Deeq A. Posted June 13, 2022 Laamaha Amniga Puntland ayaa xalay magaalada Garoowe ka bilaabay hawlgal lagu xaqiijinayo Amniga guud ee caasimadda, Booliiska iyo Ciidanka Madaxtooyada oo kaashanaya hay’adaha Sirdoonka u qaabilsan dowladda ayaa si wadajir ah u fulinaya hawlgalkaas. Saraakiisha Ciidamada oo aan xiriir la samaynay ayaa noo sheegay in hawlgalka lagu xaqiijinayo Amniga guud ee caasimadda islamarkaana looga hortagayo wax kasta oo halis ku ah nabadgelyada. Saraakiishu waxay sheegeen in aysan jirin wax amni-darro ah oo ka dhacay Garoowe balse keliya la xoojinayo nabad-gelyada guud. PUNTLAND POST The post Hawlgal ciidan oo ka bilowday caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites