Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha oo isku khilaafay Xubin la doonayey in lagu daro gudida Doorashooyinka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha oo isku khilaafay Xubin la doonayey in lagu daro gudida Doorashooyinka.

mb-2.jpg

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa ka Diiday Madaxweynaha Somaliland in xubinta Gobolka Hawd ee Komishanka uga mid noqota laga dhigo Siyaasi Abdilahi Jawaan oo hore u soo noqday Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka.
Sida ilo xogogaal ahi ii sheegen Saleeban Maxamuud Aadan ayaa codsiga madaxweynaha ugu jawaabay in sharcigu siinayo in isagu si madaxbanaan u soo xulo 2 Xubnood oo ka soo kala jeedda Gobolka Hawd iyo Sanaag Bari, waxaanu Saleeban u soo xulay Marwo Faadumo Ismaaciil Abdi xubintii Gobolka Hawd.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu aad u doonayey in guurtidu ku soo daro Abdilahi Jawaan si uu u noqdo Guddoomiyaha Komishanka cusub.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this