Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo bilowday xallinta Shaqaaqo ka dhacday degaanka Xera-jaalle ee Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ahna ku Simaha Guddoomiyaha Gobalka mudug oo ay Wehlinayaan Guddoomiyaasha Degmooyinka Galdogob iyo Gaalkacyo, Taliyeyaasha Ciidama Policeka iyo Darawishta Gobolka ayaa gaaray Deegaanka xero Jaalle oo ay ka dhacday Shaqaaqo ka dhashay Khilaaf la xiriira arrimaha Deegaameynta Dhulka.

Meesha Shaqaaqada ka dhacay oo ah dhul Miyyi ah balse la isku qabtay Deegaamayntiisa ayaa Madaxdii Dowladda ee halkaa tagay ka kaxeeyeen Meleeshiyaadkii goobta isku rasaaseeyay waxaana
Goobta lageeyay Ciidamo Police ah oo ilaalinaya ilaa inta Xal rasmi ah laga gaarayo.

Wafdiga Dowladda ayaa kulamo la qaatay Odayaasha labada dhinac waxaana lagu balamay in si dag dag ah arrintan loo xaliyo Dowladduna garwadeen ka ahaato Xalinta Mushkiladdaan soo noqnoqoday.

Dowladda Puntland ayaa horay u mamnuucay inaan wax Deegaamayn cusub ah la samayn karin ciddi la timaadana Tallaabo Sharci ah laga qaadayo.

FB_IMG_1655023647447-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1655023662477.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1655023652319.jpg?resize=720%2C96 FB_IMG_1655023667161.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1655023672564.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1655023677337.jpg?resize=720%2C54

PUNTLAND POST

The post Puntland oo bilowday xallinta Shaqaaqo ka dhacday degaanka Xera-jaalle ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this