Sign in to follow this  
Deeq A.

Shineemooyinka Biritayn oo diiday faafinta filin meel-ka-dhac ku ah Muslimiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Wararka PP) — Filin uu qoray nin Shiici ah, oo ku caanbaxay cayda dhashii Nabi Maxamed, hooyadii muuminiinta (Caa’isha) iyo khulafadii hanuunsanayd, ayaa diidmo kala kulmay shineemooyinka Biritan.

Cineworld oo leh shineemooyin badan ayaa diidday in filimka The Lady of Heaven (Marwadii Jannada) lagu daawado shineemooyinka Cineworld.

20220612_102100.jpg?resize=720%2C484&sslQaar ka mid ah wargeysyada Biritayn ayaa soo saaray faallooyin ay ku taageerayaan filin naceyb iyo been fidin ku salaysan.

Filinka waxaa qoray Yasser al-Habib oo ah Shiici Kuwayd ka soo jeeda, ku nool Biritayn kuna caan ah aflagaaddeynta Sunniga.

Qaar ka mid ah wargeysyada Biritayn ayaa soo saarray faallooyin ay ku eedeynayaan Cineworld oo ay ku tilmaameen shirkad u nuglaatay cadaadiska kaga yimid dadkii ku hor bannaanbaxay shineemooyin oo isku dayay inay filinka faafiyaan.

Wadaaddada ugu waaweyn Shiicada qaarkood ayaa hore u soo saaray fatwo ay ku diideen aflagaaddeynta khulafadii hannuunsanayd iyo hooyadii Muslimiinta (Caa’isha).

© Puntland Post, 2022

The post Shineemooyinka Biritayn oo diiday faafinta filin meel-ka-dhac ku ah Muslimiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this