Sign in to follow this  
Deeq A.

“Dhacdooyinkan Foosha Xun Ee Ay Xukuumadda Biixi Kula Kacday Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Wax Ay Galayaan Diiwaanka, Ciddii Geysatayna Sharciga & Shacabku Midna Saamixi Maayaan…” Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

“Waxa aan xalay Dhakhtarka Manhal Hargeysa ku soo booqannay Mudane Xoghaye Maxamed Muuse X Cabdi [ Cawil Galaydh] oo dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen dhacdadii Khamiistii, si arxan darro ahna ula dhaqmeen Ciidanka Boolisku isaga oo dhaawac ah.

Ilaahay waxa aan uga baryeynaa in uu u malmaliyo dhaawacyada, una fududeeyo qaliinka uu saaka gelayo, annaga oo u rejaynayna in uu degdeg u caafimaado Insha Allah, dhacdooyinkan foosha xun ee ay Xukuumadda Biixi kula kacday Madaxda Xisbiyada Mucaaradka wax ay galayaan diiwaanka, ciddii geysatayna Sharciga & Shacabku midna saamixi maayaan.” Sidaa waxa yidhi murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this