Deeq A. Posted June 12, 2022 Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Axad ah kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka. Kulankaan oo ah midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan labada gole kaib doorashadii madaxweynaha ayaa looga hadlayaa akhrinta koowaad ee miisaaniyadda dowladda. Xildhibaannada ayaa xalay loo diray farriimo ku aaddan in ay soo xaadiraan kulanka maanta oo ka dhacayo xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa. Fariinta Xildhibaannada Loo Diray Beri oo Axad ah Tariikhdu tahay 12 June, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Agendaha 1. Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda 2022. Saacadu waa 09:00 subaxnimo iyo Xarunta Villa Hargeisa Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites