Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey shirka golaha wadatashiga ee ka socda MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo galay maalintiisii labaad.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah 5-ta Madaxweyne Goboleed ee dalka, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta lasoo gabagabeyn doono, iyada oo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadabn waxyaabaha ay ka wada-hadleen madaxda qaranka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in shirka maanta diirradda lagu saari doono arrimo ay ka mid yihiin dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisida garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Waxaa kale oo shirkan oo shalay furmay looga hadlay arrimaha bini’aadanimada ee dalka, gaar ahaan gurmadka abaaraha ee ka socda magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa dhammaantood ku sugan caasimada oo ay uga qayb-galeen caleema saarka madaxweynaha oo la qabtay Khamiistii lasoo dhaafay.

Shirkan ayaa noqonayo kii labaad oo uu si toos ah ula yeelanayo Madaxweynaha cusub, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kadib doorashadii dhacday 15-kii May.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid deggan, waxaana isha lagu hayaa dhismaha dowladda cusub oo uu ugu horreeyo magacaabista ra’iisul wasaaraha.

The post Wararkii ugu dambeeyey shirka golaha wadatashiga ee ka socda MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this