Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo dalbaday in dabagal lagu sameeyo lacag ay hayso xukuumadda oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyey guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo Ergeyga gaarka ah  ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha gurmadka Abaaraha ee loo sameynayo dadka tabaaleysan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo guddiga ayaa si wadajir ah uga dalbaday Aadan Madoobe inuu Baarlamaanka ku daba galo sababta weli xukuumadda u sheegi la’dahay qoondada ay ugu talo gashey lacagtii dowlada Imaaraadka Carabta ugu deeqday Abaaraha ka jira dalka.

Guddiga ayaa sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ka codsaday in jawaab rasmi ah laga keeno lacagtii halka milyan aheyd ee xukuumaddu sheegtay inay Abaaraha ugu yaboohdey oo aan ilaa hadda jirin wax hormar ah oo laga sameeyey.

Sidoo kale gudiga Abaaraha iyo Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ayaa guddoomiyaha waxay ka codsadeen in lagu waraajiyo qaybtii baarlamaanka Abaaraha uga qoondeeyey lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha JFS laga qaaday, si wax loogu qabto dadka tabaaleysan kuwaas oo ku nool qeybo ka mid ah dalka.

Dalabkan xasaasiga ah ayaa kusoo aadayo, iyada oo dalka uu haatan ka socdo abaabul xoogan oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, kuna aadan gurmadka Abaaraha.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay Abaar xoogan oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada, waxaana haatan isa soo taraya xaaladaha bini’aadanimo ee lasoo warinayo.

287586117_336789851964990_51298936923064 287588304_336789901964985_76390059979132 287488374_336789925298316_73685239832402 287507737_336789641965011_83212510429222 287516000_336789738631668_45675676072359 287525080_336789838631658_58127473417954

The post CC Shakuur oo dalbaday in dabagal lagu sameeyo lacag ay hayso xukuumadda oo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this