Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg-deg ah: Mid kamid ah Saraakiisha Ciidanka Millatariga Somaliland Oo ka Soo Jeeda Beesha Musharrax Ciro Oo Lagu Xidhay Burco.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)- Xarunta Taliska Ciidanka Milateriga ee Gobalka Togdheer ayaa maanta duhurnimo lagu xidhay Mukhtaar Maxamed Jaamac ( Suufi) oo ahaa Sarkaal ka tirsan ciidamada Qaranka  Somaliland,kaas oo ay derejadiisu tahay Gaashanle Dhexe.

Sarkaalkan xabsiga la dhigay ayaa kamid  ahaa saraakiishii ay Somaliland Tababarka ugu dirtay dalka Ethiopia kaas oo uu takhasuskiisu ahaa Dhakhtar Milateri,Waxaanu markii uu sarkaalkani dhamaystay tababarkaasi uu noqday ardaygii ugu sarreyay saraakiishaasi tababarka dhamaystay.iyadoo ay xusid mudantahay in Raysal Wasaarihi Hore ee Dalka Ethiopia Meles Senawi Uu Guddoonsiyay Bilad Sharaf.

Gaashanle Dhexe Dr Mukhtaar Maxamed Jamac ( Suufi ) ayaa degaan ahaan ka soo jeeda Beesha Musharax Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro.

Ilaa hadana lama ogga sababta dhabta ah ee ka danbaysa Xadhigiisa,haseyeeshee xoggo aanu ka  helay illo wareedyo xog oggaal ah ayaa sheegay in sarkaalkan uu saaka xafiiskiisa ugu yeedhay Abaandulaha labaad ee Ciidanka Qaranka Qaybta  12-Aad Gaashanle Sare Maxamed Jamac ( John) oo ay isku Degaan hoose yihiin Madaxwayne Biixi iyo Taliyaha Ciidanka Milateriga Nuux Taani,kaas oo ku wargaliyay inuu Xidhan Yahay.

Waxaana ay xogguhu intaas ku darreen in Sarkal Mukhtaar uu taliyaha waydiyay sababta xadhigiisa ka dambaysa, Balse Taliye Maxamed Jamac ( John) ayaa u sheegay inuu fulinayo amar kaga yimi dhanka Taliska Ciidanka Milateriga Hargeisa, kaas oo lagu soo Amray inuu Xidho Dr Mukhtaar .

Si kastaba ha-ahaatee waxa muddooyinkii ugu dambeeyay jirtay in si gaar ah loo Beegsanayay Saraakiisha Beesha Musharax Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro.

FB_IMG_1655007849416.jpg FB_IMG_1655007845059-1.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this