Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Puntland oo lagu la xisaabtamayo dhacdadii Boosaaso iyo Cabashooyinka shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1654978234906.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland Avv. Siciid Muumin ayaa kulan la yeeshay Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Kulanka oo ahaa mid shaqo oo looga wadahadlay Xaaladda Guud ee Xuquuqda Aadaha Puntland iyo hawlaha shaqo ee xafiisku qabtay iyo kuwa socda bilaha sannadka 2022, sidoo kale qorshayaasha degsan ee lagu horumarinayo ka jawaabidda iyo Ilaalinta xaaladaha Xuquuqda Aadanaha ee Puntland.

Kulanka waxaa difaacuhu xogta warbixinta ku daray dhacdooyinka, Xadgudubyada iyo tacaddiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay Deegaanada Puntland iyo kuwa ay gaysatay Dawladdu.

Ugu dambayn, Difaacaha Avv Siciid Muumin iyo Guddoonka Gudddiga Xuquuqda Aadanaha ee Golaha Wakiillada Puntland wuxuu ku soo dhammaaday in la xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo ka jawaabidda xaaladaha dhacdooyinka Xuquuqda Aadanaha ee aan wali Dawladdu ka jawaabin sida dhacdadii Bosaaso iyo Qaybo ka mid ah cabashooyinka shacabka.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Puntland oo lagu la xisaabtamayo dhacdadii Boosaaso iyo Cabashooyinka shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this