Sign in to follow this  
Deeq A.

Qodobadii looga hadlay shirkii Golaha Wadatashiga ee maanta iyo ajendaha berri oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, kaas oo ka furmay Villa Somalia.

Shirkaan ayaa soca doona mudo labo maalmood ah, wuxuuna ku qotomaa siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar.

Waxaan shirkaas maanta diiradda lagu saaray qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda, si gaar ah waxaa maanta looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaal iyo dowlad goboleed iyo dib u heshiisiin la dhex dhigo dadka Soomaaliyeed.

Shirkaan oo berri lasoo gabagabey doono waxaa lagu faaqidi doonaa dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisida garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Berri markii lasoo gabagabeeyo shirkaan waxaa laga soo saari doonaa war-saxaafadeed ay ku cadyihiin qodobadii lagu heshiiyo, sida uu shaaciyy Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo warbaahinta la hadlay.

Hoos ka daawo

Xasan-iyo-madax-goboleedyada-scaled.jpeg Xasan-iyo-madax-goboleedyada-2-1-scaled. Xasan-iyo-madax-goboleedyada-3-scaled.jp 52138400750_6872fc0e09_o.jpeg?resize=696 52138150104_c2c4f2e5e0_o.jpeg?resize=696 52137911111_ab7828b81a_o.jpeg?resize=696 Xasan-Sheekh-3.jpeg?resize=696%2C464&ssl

 

The post Qodobadii looga hadlay shirkii Golaha Wadatashiga ee maanta iyo ajendaha berri oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this