Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku  yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad ayaa meel mariyay hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

Fadhigii Guud Golaha ee maanta oo ay soo xaadireen 39 Senator ayay waxaa la horgeeyay laba xubnood, kuwaas horay guddoomiyaha aqalka sare Senator Cabdi Xaashi si loo meel mariyo.

Golaha aqalka sare ayaa hab gacantaag ah ugu codeeyay labada xubnood oo la horgeeyay kuwaas oo kale ah:

1- Senator Zamzam Ibraahim Cali oo ah Hab-dhowraha Aqalka Sare.

2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeenka Aqalka Sare.

Guddoonka golaha ayaa soo magacaabay labadaan xubnood, halka xubnaha kale ee guluhu ay cod u qaadeen, sidaas ayeyna ku ansixiyeen, waxaana manta kadib ay wadan doonaan shaqadooda rasmiga ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this