Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlayaa shirka Madasha Wadatashiga Qaran?

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220602_181136006.jpg?resi

Waxaa goordhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka furmaya shir ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka ayaa looga hadlayaa arrimaha abaaraha dalka ka jira, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

“Waxaa maanta lagu wadaa in madaxtooyada qaranka uu ka furmo shirka ay isugu imaanayaan xukuumadda federaalka, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha abaaraha ee ka jira dalka” ayaa qoraalka lagu yiri.

Shirka waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweyanaha Puntland Siciid Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

Waa shirkii ugu horreyay oo ay yeehaan Madasha Wadatashiga Qaran tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST

The post Maxaa looga hadlayaa shirka Madasha Wadatashiga Qaran? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this