Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya: Dhoofinta Khaadka Laba Todobaad Gudahood Ayaa La Bilaabaya

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasaaradda beeraha Kenya ayaa sheegtay in dib loo bilaabayo dhoofinta khaadka Kenya ee loo iibgeynayo dalka Soomaaliya.
Hadalka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in arrintaan ay kawada hadleen labada dhinac, kadib markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata uu kulan magaalada Muqdisho kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaaf labada dhinac soo kala dhex galay ayaa horay dowladdii Farmaajo u Mamnuuday khaadka Kenya in la keeno, balse taas baddalkeed talka la keeno khaadka Itoobiya oo la sheegay in mashruucaas uu soo xirtay nin la dhashay Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka beeraha Kenya  Peter Munya ayaa saxaafada u sheegay in dhoofintaasi ay dib u bilaabmi doonto laba todobaad gudahood markaas oo labada hogaamiye ay saxiixi doonaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.

Duulimaadyada tooska ah ee labada dal ayaa sidoo kale lagu wadaa inay dib u bilaabmaan si badeecada si toos ah loogu duuliyo Soomaaliya, ayuu yiri wasiirka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this