Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraal Uu Abiy Ahmed Soo Dhigay Twitter-ka Oo Dood Ka Dhex-Abuuray Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal Af-Soomaali ah oo macno weyn sameynaya, kaasi oo hadal hayn badan ka dhex-abuuray Soomaalida.

Qoraalkaas oo la socday sawirka Abiy Ahmed oo ay dhinacyada ka fadhiyaan Xasan Sheekh iyo Farmaajo xafladdii caleemo-saarka ee daraad dhacday ,ayuu Abiy ku yidhi “Waxaan u rajaynayaa Shacabka Soomaaliya nabad waarta iyo barwaaqo!”

Arrinta hadal haynta abuurtay ayaa ah in Abiy Ahmed aanu odhan “Shacabka Soomaaliyeed” ee uu doortay “Shacabka Soomaaliya.”

Sababta uu sidaas u doortay ayaa lagu macneeyey in haddii uu qaadan lahaa “Shacabka Soomaaliyeed” ay soo geli lahaayeen kuwa ku nool Itoobiya ee degan dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia haysato, sidaas darteedna uu doortay “Shacabka Soomaaliya”, isaga oo diraya farriin ah in Xasan Sheekh uu madaxweyne u yahay kaliya kuwaas.

Maxamuud Axmed oo ka mid ah dadkii ka falceliyey ayaa yidhi “Shacabka Soomaaliyeed, haddii uu dhaho Jigjiga ayuu Xamar hoos gaynayaa, taas ayuu marka diidan yahay.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this