Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay wararka ku saabsan in la fasaxay Jaadka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
1-4.jpg?resize=835%2C476&ssl=1

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horraysay ka hadashay wararka ku saabsan in ay fasaxday Jaadka laga keeno waddanka Kenya, kaas oo uu xannibay Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo.

Warbaaahinta BBC-da ayaa ka soo xigtay sarkaal magaciisa qariyay oo u dhow Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, in uu socdo wada-hadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo Arrimaha looga hadlayo uu ku jiro Qaadka.

Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya lafteedu ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mira-dhal ah.

Dowladda Kenya ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta Qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay wararka ku saabsan in la fasaxay Jaadka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this