Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax loo adeegsaday Bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa caawa lagu weeraray ciidamo ka tirsan Milatariga dowladda federlka Soomaaliya xilli ay ku sugnaayeen goob maqaaxi ah, waxaana soo baxaya khasaare kale duwan oo ka dhashay qaraxa lagu tuuray goobta.

Ciidamada ayaa ku sugnaa Maqaayad ku taalla halkii looo yaqaano xaafadaha Badbaado ee duleedka maqaalada Muqdisho, qof Goobjooge ah ayaa Goobjoog News u sheegay inuu jiro khasaare soo gaaray ciidankii goobta ku sugnaa iyo sedex hablood oo joogay goobta.

Sidoo kale qofka Goobjoogaha ah waxaa uu sheegayinuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidanka, isaga oo intaas ku daray sidoo kale ingoobta ay ku geeriyooday sedex gabdhood oo shidayay maqaayadda oo lagu qayilo oo caawa lagu weeraray ciidanka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this