Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war ka soo saaray kulan uu la yeeshay Qalbi-dhagax

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa qoraal iyo sawirro uu ku baahiyey boggiisa Facebook-ga wuxuu ku shaaciyey in maanta uu hoygiisa Muqdisho ku soo booqday Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

“Waxaa maanta gurigayga igu soo booqday Cabdikariim Muuse “Qabi-dhagax” oo ka mid ahaa hogaanka Ururka Gobonimo doonka ah ee ONLF, isla markaana si sharci darro ah Dowladdii hore ugu dhiibtay Dowladda Federaalka Itoobiya balse Xukuumaddii Xil-gaarsiintu ay raali galin ka bixisay arrintaas sharci darrana ku tilmaantay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ugu sareysay talada dalka markii Qalbi-dhagax loo dhiibay Itoobiya, wuxuuna cadeeyey in Farmaajo iyo Taliyihii NISA ee xiligaas ay sireen, si aan loo fahmin qorshihii dhiibista Qalbi-dhagax.

Cabdi Xaashi ayaa wareysi uu horay u bixiyey wuxuu ku sheegay inuu ka war helay Qalbi-Dhagax in lagu qabtay Gaalkacyo, macquulna ay tahay in loo dhiibo Itoobiya, isla markaana uu xafiiskiisa ugu tegay Farmaajo, si arrintaas uu wax uga weydiiyo.

Wuxuu sheegay in Farmaajo uu u yeeray Sanbaloolshe oo ahaa taliyihii NISA, isla markaana Cabdi Xaashi laga dhaadhiciyey in Qalbi-dhagax uu dalbaday in loo dhiibo Itoobiya oo ay heshiiyeen, balse uu ka qowmameeyey inuu haleeli waayey inuu yiraahdo, “Hala ii geeyo Qalbi-dhagax aan wareystee.”

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa maalin ka hor doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna shalay ka qeyb galay xafladii caleemo saarka Madaxweynaha.

Cabdi-Xaashi-iyo-qalbidhagax.jpg?resize= Cabdi-Xaashi-iyo-qalbidhagax.jpg1_.jpg?r qalbidhagax.jpg?resize=593%2C395&ssl=1 287172230_119559884097607_61929034579736 287253427_119560154097580_41661224160777

The post Sawirro: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo war ka soo saaray kulan uu la yeeshay Qalbi-dhagax appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this