Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Labo qarax iyo weerar caawa ka dhacay koonfurta Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heyleyno degaanka KM 13 ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in caawa uu ka dhacay qarax xoog leh, halkaas oo qaraxa kadib la isku weydaarsaday rasaas mudo socotay.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa kadib ay goobta ka bilaabatay rasaas mudo socotay, isla markaana aan la ogaa karin cidda ay u dhaxeysay is-rasaaseyntu, maadaama ay tahay xilli habeen ah.

Lama oga cidda lala beegsaday qaraxaas iyo rasaastii ka dambeysaba, sidoo kale weli lama xaqiiji karo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay, waxaana caawa xaalad cabsi ah laga dareemayaa wadada xariirisa Muqdisho iyo degaanka Ceelasha Biyaha.

Dhinaca kale kolonyo ciidan ah oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya ayaa isla caawa lagu qarxiyey agagaarka kaamka Badbaado ee degmada Dharkenley.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha soo gaaray ciidamadii la qarxiyey, oo sida ay dadka deegaanku noo sheegeen watay kolonyo gaadiid ah, waxaana la sheegay in nooca qaraxaas uu ahaa miino lagu sii diyaariyey wadada ay marayeen ciidankaas.

The post Faahfaahin: Labo qarax iyo weerar caawa ka dhacay koonfurta Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this