Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Australia oo laashay in dhalashada lagala noqdo dadka ku eedaysan Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada sare ee waddanka Australia ayaa laashay awooda dowlada dalkaasi ay u leedahay inay dhalashada Australia ka xayuubiso muwaadiniinta haysta labada dhalasho ee lagu eedeeyo in ay xiriir la leeyihiin argagixisada.

Maxkamadda sare ayaa soo saartay xukun taageeraya Delil Alexander, oo ah muwaadin haysta dhalashooyinka Turkiga iyo Australia kaas oo ku eedaysan argagixisnimo kuna xiran xabsi ku yaalla dalka Syria.

Hay’adaha sirdoonka ee Australia ayaa sheegay in Delil uu ku biiray ururka ISIS. Mar dambe waxaa xabsiga dhigay ciidamada Kurdiyiinta. Sannadkii 2019, maxkamad ku taalla dalka Syria ayaa Delil ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah.

Qareenka u doodaya oo ku sugan Sydney oo lagu magcaabo Cismaan Samin ayaa u sheegay idaacadda Australian Broadcasting Corporation in dowladda Australia ay ku khaldan tahay in muwaadinkan laga xayuubiyo dhalashadiisa dalkiisa.

Xukunka maxkamadda sare ayaa khafiifinaya shuruucda adag ee dowladda Australia ay kula dagaalanto dadka qaatay dhalashada dalkaasi ee looga shakiyo in ay xiriir la sameeyeen ama ku biireen kooxaha argagixisada ee caalamiga ah.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda sare ee Australia oo laashay in dhalashada lagala noqdo dadka ku eedaysan Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this