Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo Ukraine ugu baaqay in ay miinooyinka ka saarto dekedda Odesa

Recommended Posts

Deeq A.   
09470000-0a00-0242-4432-08da4a6d73d0_w10

Madaxweynaha dalka Senegal oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall ayaa ku boorriyay dalka Ukraine in uu miinooyinka ku hareeraysan ka saaro dekeddooda Odesa si ay u fududaato in dekeddaas laga soo dhoofiyo haruurka iyo sarreenka ku xanniban ee looga baahanyahay Afrika.

Madaxweynaha Senegal ayaa u sheegay telefishanka France 24 iyo RFI, in haddii aan si dhakhso ah dib loogu bilaabin in dalka Ukraine uu soo celiyo sarreenkii iyo haruurkii uu Afrika u soo dhoofin jiray, in qaaradda Afrika ay geli doonto xaalad gaajo iyo macaluul oo aad u daran oo khalkhal gelin karta xasiloonida qaaradda oo dhan.

Dekedaha Ukraine waxaa haatan ku xanniban haruur la doonayey in debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay dowladda Ruushku ay qaadday tallaabooyin go’doomin ah, halka cunaqabataynta reer galbeedkuna ay hakisay dhoofintii sarreenka iyo hadhuudhka ee dalka Ruushka.

Moscow ayaa ku baaqday in Ukraine ay miinooyinka ka saarto biyaha ku hareereysan dekedda Odesa ee Ukraine ay maamusho si ay u oggolaato in la dhoofiyo hadhuudhka xannibmay, laakiin Kyiv ayaa diiday iyada oo ka cabsi qabta in Ruushku weeraro.

PUNTLAND POST

The post Midowga Afrika oo Ukraine ugu baaqay in ay miinooyinka ka saarto dekedda Odesa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this