Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Geelle oo arrin muhiim ah kula dardaarmay madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khadbad ka jeediyey xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyey dardaaraan culus oo ku socdo dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Geelle ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay u baahan tahay inay iyadu is garabsato, waxna wada qabsato, isla-markaana ay wax la qeybsato dunida inteeda kale.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay Ummadeeda oo dhan waxa ay u baahan tahay maskaxdeydii oo dhan waxa ay u baahan tahay xoogeeda oo dhan waxa ay u baahan tahay sida uu yiri Madaxweynaha cusub heshiis dhexdeeda ah iyo heshiis ay la leedahay adduunka oo dhan,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar.

Sidoo kale wuxuu u soo jeediyey madaxda Soomaaliyeed iyo shacabka inay iskaashaan,  si ay uga marmaan in mar weliba wax la siiyo.

“Gacantiina isku maamula kheyraadkiina lasoo baxa kuwa wax bixiya noqda, kuwa wax lasiinaya uun inaana la noqon, taasina halgan dheerbey dooneynaa,” ayuu raaciyey.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo  kale ballan qaaday inuu garab istaagi dowladda cusub, isla-markaana uu ula shaqeyno doono si walaalnimo ah.

“Waxaan hubaa isagoo khibaraddii loo baahnaa leh, isaga oo soo maray xukunka waxa uu yahay isaga oo garanaya waxa soo socda, sida uu u maamuli doono, sida uu u maareyn doono annagu waan ku garab joognaa Madaxweyne,” ayuu markale yiri Geelle.

Sidoo kale wixii intaas ku daray “Waxaan jecelnahay inaad naga daydid aktaada kula shaqeyno wanaag iyo horumar iyo Umaadda Soomaaliyeed oo faqriga ka baxda,”.

Jabuuti ayaa door weyn ka qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya, waxaana lagu xasuusta shirkii nabadeynta carto iyo dowladdii KMG aheyd ee dalkaasi lagu dhisay sanadkii 2000.

The post Madaxweyne Geelle oo arrin muhiim ah kula dardaarmay madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this