Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Jabuuti, Kenya Iyo Itoobiya Oo Gaadhay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaadhay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta & raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxda waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxdan ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana munaasabadda Caleema saarka ku suga madax badan oo Afrikan ah iyo mas’uuliyiin kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this