Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Khudbadda Abiy Ahmed oo noqotay tan ugu saameynta badan + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-gashay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jeediyey khudbad cajiib ah, isaga oo ku hadlayey luqadda Engilishka iyo Afk Soomaali.

Abiy oo si weyn loogu Sacbiyey marka uu khudbaddiisa kusoo daray erayo af Soomaali ah ayaa ka hadlay arrimo xasaasi, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaa iga go’an inaan sii wadno iskaashiga labad dal iyo dadka walaalaha ah” ayuu yiri  khudbaddiisa Abiy Axmed, isaga oo ku hadlayey afka Soomaaliga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu Soomaaliya u rajeynayo nabad waarta iyo barwaaqo, isaga oo ereyadaas sidoo kale ku yiri afka Soomaaliga.

“Waxaa u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu la shaqeyn doono Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna isku kaashan doonaan, darisnimo iyo walaalnimo.

“Soomaaliya ha noolaato Ethiopiayana ha noolaato,” ayuu kusoo gabagabeeyey kudbaddiisa ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibka Maxamed Farmaajo, waxayna iskala tirsanaayeen isbaheysiga saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya & Eritrea.

The post Daawo: Khudbadda Abiy Ahmed oo noqotay tan ugu saameynta badan + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this