Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan.jpg?resize=843%2C672&ssl=1

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay ee munaasibadda caleemo saarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhacaysa xarunta madaxtooyada dalka.

Dhacdadaanayaa kulmindoonta Madaxweyneyaal, hoggaamiyeyaal, mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururrada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhaqan-galay bandow ay ku soo rogtay dowladdu oo bilowday 10:00 habeenimo, kaas oo lagu xoojinayo Amniga guud ee magaalada.

Madaxda iyo wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka Madaxweynaha waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this