Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Hay’adda VNG International oo kala saxiixday heshiis laba mashruuc ah

Recommended Posts

Deeq A.   
1-2.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda VNG International oo ah ururka Dowladdaha Hoose ee Holland ayaa kala saxiixday heshiis laba mashruuc oo kala ah mashruuca Danwadaag iyo Mashruuca SDOT, mashaariicdaas waxay taageeri doonaan u adkaysiga Dowladdaha Hoose ee Puntland iyo kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah.

Heshiiskaan oo socondoona ilaa iyo December 31, 2026, waxaa waji kowaad ka faa’ideysan-doona Degmooyinka Garowe iyo Qardho, sidoo kale waxaa la gaarsiin doonaa Degmooyinka kale ee Puntland.

Heshiiskaan oo Wasaaradda uu u saxiixay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Mire Xirsi waxa uu wax weyn ka tari doonaa kor u qaadista dhaqaalaha maxaliga ah ee Dowladdaha Hoose.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay soo dhaweysay una mahadcelisay Hay’adda VNG International oo Puntland ka fulin doonta mashaariic badan oo ay ugu horeeyaan kuwa kor ku xusan kuwo kale ku xigidoonaan, sidoo kale Wasaaraddu waxay guul u rajaynaysaa Degmooyinka ka faa’ideysanaya mashaariicdaan.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Hay’adda VNG International oo kala saxiixday heshiis laba mashruuc ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this