Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo la hadlay M/weyne Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
DHEGIHII WAANSAN AYAA WAANSAN
guray.jpg
Rag waxa ugu liita baa la yidhi NIN AAN TALO LAHAYN TALANA AAN QAADAN. Taladan nasteexa ah ee Xildhibaan Guruje dhegaha Muuse hadii Ilaahay wax kaga duwo wuu u aayi lahaa laakiin Muuse Biixi u malayn maayo in wax micno ah ay u samayn karto. Waxa laga filaa “kii yaraa ee waalaa ee Isaxaaq saw mahaa? Waan iska celinayaa”.Wax ka badan anigu ka fili maayo.
Waa run qoraha faransiiska ah hadalkiisu. Somaliland waxay fananaysaa tiiro dheer darawalkana waa taqaanaan oo waa Muuse. U duceeya oo ugu duceeya in aanu dib ula soo taraarin ilayn inaguba dushiisa iyo dacaladiisa ayaynu wada saaranahaye. Waxan xasuustay maansadii Hadraawi ee Taawilo:
MARKUU TIIRADII KORAY
AYUU TAAYIR BOODOO
TAFANTOOFE WAA KAA
DIB U SOO TARAARAYE
ALLA TAAKO YAW DHIGA
Ha ogaado Muuse Biixi haduu dib ula soo taraaro ilaa taxadka hoose, in aanu dib dambe u soo fanan karin tiiradii sodon sanadood in ka badan gaadhigu soo fananayay ee shanta darawal iska soo bedeshay maantana uu isagu isteerinka hayo. Haduu jarka ka tuuro Caligurey ku waayi maayo waxa hadda inta uu isagu ku waayi doono waayo awalba dadkiisa ayuu la noolaa haddana la nool yahay laba noolaan karaaye isagu ha iswaydiiyo halka uu ku noolaan doono iyo cidda uu la noolaan doono marka tacabkii ummadan oo dhan uu ka dhigo hal bacaad lagu lisay
286574981_501016498480868_50408291388783

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this