Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic lagu garaacay xaafado ku yaala magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaafiic lagu tuuray xaafado ku yaalla magaalada Muqdisho

Muqdisho
Muqdisho

Wararka hordhaca ah ee ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa abbaara 2:00 habeenimo wakhtiga Muqdisho in magaalada laga maqlay madaafiic kala duwan kuwaas oo geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weriyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa ku soo waramaya in tirada madaafiicda la tuuray inay gaadhayaan illaa toddoba xabbo, kuwaas oo ku dhacay guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Illaa haatanna ma jirto cid sheegatay masuuliyadda madaafiicdan.

Madaafiicdan la tuuray ayaa ku soo beegmaysa iyada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo bilaabmay saacaddu markay ahayd 10:00-kii habeenimo, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in maanta ooKhamiista ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qayb gelayaan madax sar-sare oo ka imanaysa dalal kala geddisan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this