Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Two can play a game

Recommended Posts

Awal Axmed Madoobe iyo Deni garoonka iyo Xalane ma soo dhaafi jirin in the last two years. Ciidamo fara badana istustus ah wey keensan jireen. All that in lagu xumeeyo Farmaajo dowladiisa. 

Now it is Laftagareen and Qoorqoor's turn to play the game.

Isbedel ku yimid habkii ay madax goboleedyada ku iman jireen Muqdisho – Maxaa dhacay maanta?

Isbedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay ayaa saameyntiisa durba laga dereemayaa hanaanka ay gudaha Muqdisho u kala degeen madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug oo caawa ku hoyanaya Muqdisho ayaa degay hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Halka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intii uu Farmaajo xukunka joogay aan soo dhaafi jirin agagaarka garoonka uu hadda degan yahay guri ka soo hor jeeda Madaxtooyada Soomaaliya.

Arrimaha cajiibka ah waa in Madaxweyne Laftagareen uu maanta markii u horeysay Muqdisho la yimid diyaarad sida ciidamo aad u hubeysan, halka xilligii uu Farmaajo xukunka hayay uusan wax ciidan soo wada jirin.

Ciidamada Nabadsugidda iyo Asluubta federaalka ayaa Laftagareen kasoo gelbi jiray garoonka markii uu yimaado Muqdisho, balse hadda waxaa muuqata in arrintaasi ay is bedeshay, kadib guul daradii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadda ku wada sugan Muqdisho, kuwaas oo berri ka qeyb gelaya xafladda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacaysa teendhada Afisyooni.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this