Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminaayay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana soo dhoweynta wafdigiisa qeyb ka ahaa golayaasha dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdigiisa ayaa safarkooda waxaa uu ku qotomaa ka qeybgalka xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya , Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Berrito ka dhacaysa Muqdisho, waxaana ay qeyb ka yihiin martida lagu casuumay munaasabadda.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray wufuud kale duwan , kuwaas oo u jeedkoodu yahay ka qeyb galka xalafladda lagu wado in barri lagu caleemo-saaro madaxweynaha dalka, taas oo maalinta barri ah ka dhici doonta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this