Deeq A. Posted June 8, 2022 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay la-taliyeyaasha arrimaha dastuurka iyo arrimaha federaalka. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dastuurka, halka Axmed Cabbaas Axmed loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha federaalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la-taliyeyaasha cusub kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites