Deeq A. Posted June 8, 2022 Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka qaybgalaya caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka. Xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhacaysa berri oo khamiis ah, waxaana ka qaybgalaysa madax ay ka mid yihiin kuwa dalalka deriska. PUNTLAND POST The post Deni, Laftagareen iyo Guudlaawe oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites