Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdicasiis Lafta Gareen oo maanta xilka qaadis iyo magacaabis sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta sameeyey xilka qaadis iyo magacaaabis, kadib wareegto goordhow kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo la baahiyey.

Lafta Gareen ayaa maamul cusub u magacaabay gobollada Baay iyo Bakool oo hoostaga dowlad goboleedkaasi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Sidoo kale warqadda ayaa waxaa lagu shaaciyey in magacaabitsan ay timid, kadib talo soojdin ka timid, wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay wareegtada waxaa xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Bakool iyo ku xigeenkiisa amniga, waxaana la magacaabay mas’uuliyiin cusub. Maxamed Cabdi Maxamed (Tall) ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Bakool, halka isna  ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaasadda loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snike).

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Baay ayaa waxaa loo magacaabay Mudane Cabdifitaax Maxamed Ibraahim oo ku magac dheer (Biyaano).

Madaxweynaha ayaa faray mas’uuliyiinta cusub inay si deg deg ah ula wareegaan xilalka, ayna dardar geliyaan shaqooyinka maamul ee loo igmaaday.

Arrintan ayaa qayb ka ah isbedelada uu wado Cabdicaiis Lafta Gareen, kadib markii xubnihii ugu badnaa ee maamulkaas ay ku biireen baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Maalin kahor Madaxweynaha ayaa magacaabay  illaa 5 Wasiir oo bedelay wasiiradii hore ka dib markii ay ka mid noqdeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

The post Cabdicasiis Lafta Gareen oo maanta xilka qaadis iyo magacaabis sameeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this