Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsato Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Cape Town)-Dalka Koofur Afrika waxaa xalay lagu dilay laba wiil oo Soomaali ah oo ganacsiyo ku lahaa dalkaasi.

labada dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu kala Magacaabi jiray Yaasin Cumar iyo Yuusuf Jowhar ayaa Kooxaha Budhcadda ah waxaa ay ku dileen Agagaarka Goobo Ganacsi oo ku yaalla Xaafada Kalija ee magaalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Ciidammada ammaanka oo weerarka kadib tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgallo baadhitaana ah, iyagoo ku guuldareystay iney gacanta ku soo dhigaan danbiilayaasha, waxeyna hore u sii qaateen meydadka labada Soomaalida ah ee la dilay.

Dilka xalay ayaa ka dhigaya tirada Soomaalida waddankaasi todobaadkan lagu dilay Shan qof, halka kuwo kale oo dhaawacya kala duwan qabana ay yaallaan xarumaha caafimaadka, mana muuqato wax qorshe ah oo laamaha amniga dalkaasi ay kaga hortagayaan ugaadhsiga lagu hayo ganacsatada Soomaalida ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this