Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi: Damaca Kursiga Iyo Jiritaanka Mustaqbalka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo intii uu xilka madaxtinimo ee Jamhuuriyadda Somaliland la wareegay Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa saaxadda siyaasada ee Somaliland ku soo noq-noqonayey hadalo iyo weedho isugu jirey cunfi kala fogeynayey bulshda iyo qaar kaloo mindi mindi ku-taag ah, kuwaas oo iyaguna wiiqay ama dumiyey rajada iyo yididiiladii bulshada reer Somaliland ku taamayeen mudada 31-sanno baarka-ka goysay.

Weedhahaasi xanafta iyo xajiinta badan ee kasoo yeedhay masuuliyiinta Xukuumada intii uu xilka hayey Md. Muuse Biixi, waxa ka mid hadalkii u dhignaa fool-xumadii qarniga ee kasoo yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Md. Nuux Ismaacil Taani,kaas oo sida laga wadda dherregsan yahay uu ku durayey bulshada baaxada weyn ee ku dhaqan Gobollada Barriga Somaliland, kuwaas oo “..Xaasha’e..” uu ku tilmaamay qaar joogitaankoodu hagardaamo uu ku yahay Qaranka Somaliland , isla markaana hunguri ku ah Somaliland.

Waxa kaloo taa xigtey, waa hal-ku-dhigii Soomaalida’e “..Meyd maxaa u Dambeeyey iyo kaa la sii sido..”. Haddalkii anshaxa siyaasadda iyo cunfiga dawladnimada ka aradnaa ee ka soo yeedhay Taliya Ciidanka Booliska Somaliland Md. Daba-gale,kaas oo sidaa taa hore la mid ah isaguna ku weeraray mudane ka tirsan Golaha wakiillada,kaas oo laga soo doortay Gobolka Awdal, kadib markii uu sida uu sheegay Xildhibaan Abiib uu Taliyuhu isugu darray weedho isugu jirey aflagaado, hanjabaado iyo shaki gelin Somalilandnimadiisa ku saabsan.

Wasiir Kaahin ayaa dhawaan si badheedh xuskii labaatan jirka KULMIYE ugu xidhiidhiyey Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland iyo Beesha West Burco Clan Somaali weyn “Nin Xamar u socda iyo nin Somaliland aaminsan,waxa xisbiga KULMIYE ku addag in aanu la macaamilno, oo wadda haddal layeelano nin Xamar u socda iyo nin Somaliland-tiisa aaminsani miyey heshiin karraan.”ayuu yidhi Kaahin

Aflagaadooyinka aan loo miidan-deyn ee masuuliyiintaas iyo raali gelin la’aanta Madaxweyne Biixi ee hadalada hawlwadeenadiisu kula dul-ku-feen shacbiga Madaxweynaha uu u yahay kolka laga yimaado. Waxa kaloo iyana xusid mudan weedhaha cunfiga siyaasada ka aradan ee sida joogtada ah uga soo yeedhayey Madaxweyne Biixi iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, oo aynu ka xusi karno Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin iyo Warfaafinta Md. Saleebaan Cali Koore, kuwaas oo kolka sharciyan loo eego nuxurkoodu ahaa distoor jebin, kelamadaas dhawrkii bilood ee u dambeeyey bulshada dheggahooda lagu soo celcelinayey, waxa ka mid ah “..Ururadii way furan yihiin..”. Iyo “.. Doorashada Madaxtooyada waxa ka soo horeyn doonta mida Ururada..”.

Haddaba hadaladaa lagula kacay beesha West Burco Clan iyo weliba bulshada ku dhaqan Gobollada Barriga iyo Galbeedka Somaliland iyo weedhahaa kutumashada sharciga ee ka soo yeedhayey Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta u sareysa Xukuumadiisu, waxay u muuqdaan laba arrimood midkood waa mid hore Madaxweyne Biixi inuu is tusay in aanay jirin Somaliland-ta maanta cid wax ka ridan karta oo isaga u ba-bac dhigi kartaa, maadaama oo ay sidaa tahayna uu ku dhaantaynayo hal-ku-dhigii ahaa “..La jiifiyaana ba’naan, la joojiyaana ba’naan..”. Iyo mida labaad oo iyana ah inuu go’aansaday in aanay jirin Somaliland wax la yidhaahdo in aanay dabadii jirin, sidaas awgeed isaguna aanu dan iyo muraad toona ka lahayn hadii Gobol dadka ku dhaqan la caayo iyo haddii la laayo toona.

Si kastaba ha ahaatee, waxa wax waliba kala cadaan doonaa shanta bilood ee fooda inagu soo haya, kolkaas oo ama Madaxweyne Biixi ayay riyadiisii u rumoobi ama waxa iman xaqiiqo taasi ka duwan oo bukshadu raali ku tahay Bari min Galbeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this