Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaasiin Farey oo shaaciyey XOG ku aadan sida ay NISA ugu lug laheyd siyaasada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) oo horey uga mid ahaa hoggaanka NISA ayaa wareysi dheer ee uu bixiyey wuxuu uga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan Taliska Hay’adda NISA iyo shaqooyinkii ay soo qabteen.

Yaasiin Farey oo uu warramay SMS Somali Tv ayaa shaaciyey xog ku aadan shaqadii hay’adda NISA, gaar ahaan sida ay ugu lug laheyd arrimaha siyaasadda ee dalka.

Xildhibaanka oo mar soo noqday ku simaha hay’adda, marna ahaa Taliyaha Nabad Sugida ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in NISA ay sideedaba mas’uul ka tahay tahay amniga qaranka, guud ahaan dalka iyo dadka, isla-markaana aysan jirin shaqo u gaar ah.

“Horta hay’adda waxay mas’uul ka tahay amniga qaranka meesha Booliska amniga gudaha uu mas’uul ka yahay, Milatariga xuduudaha mas’uul ka yahay, Asluubta ay xabsiyada iyo dhaqan celinta ay mas’uul ka tahay. Sirdoonku wuxuu mas’uul ka yahay dalka iyo dadka oo dhan shaqo gaar ah oo cayiman oo la leeyahay shaqadaasee qabanee hay’adda Nabad Sugida shaqo kale ma qaban karto ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.

Farey ayaa qiray in hay’addu ay la shaqeyneysay hay’adaha kale ee dowladda, isla-markaana taasi ay aheyd isku filnaan ay gaartay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay marka hay’adda Nabad Sugiddu, haddii dowladnimadii oo dhan ay ka shaqeyneyso oo wax weliba isku filnaasho iyadu gaartay hay’adihii kale ee dowladda ay ka shaqeyneyso waa sax, waana muhiim, waana waajib in hay’addu marka ay hagaagtay inay iyadu hagaajiso ay sabab u noqoto hay’adaha kale ee dowladda,” ayuu markale sii raaciyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xilligii ay joogeen taliska ay ku dadaaleen in hay’addu ay noqoto mid sirdoon, wuxuuna sheegay in sababaha looga soo horjeeday ay aheyd kaliya mid lagu colaadinayey shaqada ay u hayeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Hoggaankii xilligaas joogay wuxuu ka shaqeeyey hay’addaan inay noqoto hay’ad sirdoon, hay’ad iyaduna dhisanta hay’adihii kalena dhista waxa marka lagu colaadinayey waxa ay aheyd awoodda intaas la’eg,” ayuu yiri taliyihii hore ee Nabad Sugidda gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo hoggaankii hore ee NISA loo heesto eedeymo culus oo ay ka mid tahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, walow Yaasiin Farey wareysigiisii uu ku soo hadal qaaday arrintaasi, isaga oo ku adkeystay inay Ikraan dileen Xoogga Al-Shabaab.

The post Yaasiin Farey oo shaaciyey XOG ku aadan sida ay NISA ugu lug laheyd siyaasada? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this