Deeq A. Posted June 8, 2022 Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qayb-galayo caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Siciid Deni, ayaa qayb ka ah wufuud kala duwan oo ku qulqulaysa magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb-galay caleema-saarka madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Madax kale oo ka socota Caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka qayb-galaan caleema-saarka. Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa sidoo kale ka qayb-galay munaasabadda caleema-saarka oo lagu qabanayo Teendhada Afisyooni. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites