Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Ruushka oo codeynaya arrin reer Galbeedka ka nixisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Ruushka oo codeynaya arrin reer Galbeedka ka nixisay

Baarlamaanka Ruushka ayaa u codeynaya sidi uu uga bixi lahaa Maxamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub.

Baarlamaanka Ruushka wuxuu meel mariyey laba qaraar oo Maxkamaddaasi ka hor istaagayey iney ka howlgasho gudaha Ruushka.

Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub oo magaceeeda loo soo gaabiyo ECHR ayaa loo aasaasay iney difaacdo xuquuqda muwaaddiniinta qaaradda.

Ruushka ayaa go’aanka ay reer galbeedku ka naxeen ku dhawaaqay kaddib marki ay maxkamaddu marar badan Moscow ku eedeysay iney xuquuqda aadanaha ku xadgudubto.

Golaha Wasiirrada Midowga Yurub ayaa 15-kii March Ruushka ka saaray xubinnimada maxkamadda ECHR iyaga oo tallaabbadaasi jawaab uga dhigaya duullanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this