Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Hordhaca Wufuud Kale Duwan oo Soo Gaaray Muqdisho iyo Kuwa La Filayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dareemayay saxmad badan oo ku aadan wufuudda heer caalamiga ah ee soo gaaraya dalka, kuwaas oo la filaayo in ay ka qeyb galaan Caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka mudane Xsan Shiikh oo lagu wado in ay dhacdo maalinida  Khamiista ah.
Wufuudda maanta soo gaartay caasimadda ayaa waxaa ay hordhac u yihiin wufuud la filaayo in bari soo gaaraan dalka, kuwaas oo ka imaanaya waddamada dariska ah iyo kuwa kale oo daneeya arrimaha Soomaaliya, Madaxweynaha dalka Jabuutti, madaxweynaha  Kenya iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay yimaadaan maaliminada Barrito ah.
Wufuudda hordhaca ah ee maanta soo gaaray caasimadda ee Muqdisho ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in maalinta barri oo arbaco ah madax kale duwan ay dalka soo gaaraan, kuwaas oo qeyb ka noqon doona Caleemo-saarka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda oo la doortay 15-kii bisha May 2022-ka.
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyeyaasha golaha wakiillada maamullada qeybta ka dowladda dhexe ayaa dhankooda la filayaa in ay qeyb ka noqdaan wufuudda ka qeyb galaysa Caleema-saarka, waxaana iyaga qudhooda lagu wadaa in barri ay soo gaaraan caasimadda dalka, maadaamada madaxweynayaashu dib u laabteen kadib doorashadii madaxweynah.
May be an image of 9 people and people standing
May be an image of 2 people and people standing
May be an image of 8 people and people standing
May be an image of 9 people, people standing and airplane
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this