Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbalanad oo Lagu Soo Dhoweeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe , ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, waxaana soo dhweyntiisa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay in ay xiriirto ka qeybgalka xafladdda caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markale dib loo doortay 15-kii bishii tagtay ee May, waxaana uu qeyb ka yahay wufuudda lagu casuumay.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada qeybta ka dowladda dhexe ayaa dhankooda la filayaa in ay qeyb ka noqdaan wufuudda ka qeyb galaysa Caleema-saarka, waxaana sidoo kale la filayaa in caasimadda ay oo gaaraan madaxda kale ee maamul goboleedyada ee maqan.

FB_IMG_1654620240565.jpg

FB_IMG_1654620243220.jpg

FB_IMG_1654620245741.jpg

FB_IMG_1654620248266.jpg

FB_IMG_1654620254761.jpg

FB_IMG_1654620257974.jpg

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this