Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay booqashadii Xasan Sheekh uu ku tegay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al -Shabaab.

Madaxweynaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo warbixinno ka dhageystay hoggaannada Ciidamada Xoogga Dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna Taliyaha Guud ee CQS ayaa qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al- Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyey sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la wadaagay  ciidamada sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib dib u doorashadiisa ayaa u kuur galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyey sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

ciidanka-xoogga-dalka.jpg?resize=696%2C4 saraakiisha-xoogga-3.jpg?resize=696%2C46 saraakiisha-xoogga.jpg?resize=696%2C464& Xasan-Sheekh-iyo-gaashaandhigga.jp2g.jpg Xasan-Sheekh-iyo-gaashaandhigga.jp2g.jpg Xasan-Sheekh-iyo-gaashaandhigga.jp2g.jpg Xasan-Sheekh-iyo-gaashaandhigga.jpg?resi xasan-sheekh.-iyo-ciidmaada.jpg?resize=6 xasan-sheekh.-iyo-ciidmaada.jpga_.jpg?re xasan-sheekh-1.jpg?resize=696%2C464&ssl= Xuseen-macalin.-xuseen-sheekh-iyo-Jaamac

The post Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay booqashadii Xasan Sheekh uu ku tegay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this