Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Xisbiga WADDANI ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 07/06/2022 uu Xisbiga Waddani ka guddoomay warqad summaddeedu yahay TIX/XIS/WAD/XDH/2885/2022, kuna taariikhaysan 07/06/2022, ujeeddadeeduna tahay: Magacaabista Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu uga mahad-celinayaa Xisbiga WADDANI sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in Hay’adaha kale ee Qaranka ee xubnaha ku leh magacaabista Xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan xubinta ama xubnahooda si loogu gudbo wajiga xiga.

    ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this