Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafuud heer caalami ah oo soo gaartay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
caleema-3-1.jpeg?resize=939%2C704&ssl=1

Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray wufuud caalami ah, kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan xafladda caleema-saarka madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga maanta oo Tallaada ah yimid Muqdisho ayaa isugu jira xubo horudhac u ah madaxda sarre ee dalalkooda iyo wakiillo dowladeed.

Xubnahan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka difaaca ee dalka Uganda Vicent Bamulangaki oo ay weheliyaan saddex ka mid ah saraakiisha dalkaasi, Lataliyaha Xafiiska Madaxweynaha dalka Yemen, Yaasiin Cumar Axmed iyo Feysal Yaasiin oo ah Iskuduwaha Guud ee Xafiiska Madaxweynaha Yemen.

Dhinaca dalka Masar waxaa kamid ah wafuuda timid illaaliyaha Guud Raysul wasaaraha Masar Major Maxamed Xasani iyo Major Ahmed Ibrahim Anwar oo hor dhac u ah madaxda sarre ee dalkaasi.

Waxaa sidoo kale soo gaaray Muqdisho wakiillo ka tirsan dowladaha Kenya, Baxrayn iyo Ururka Isutagga Islaamka oo uu ka socdo Ibrahim Taha oo ah ergay ka tirsan OIC.

Soo dhoweynta wafuudda caalamiga ah ee ka qeyb galaya Xafladda caleemo-aarka Madaxweyne Xasan waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka socota Protocol-ka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xafladda caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay ka qabsoonto Muqdisho 9-ka Bishan Juun oo ku beegan maalinta Khamiista ah.

caleema-5.jpeg?resize=1000%2C750&ssl=1 caleema-3-1.jpeg?resize=1000%2C750&ssl=1 caleema-2.jpeg?resize=1000%2C750&ssl=1 caleema-6-1.jpeg?resize=1000%2C750&ssl=1

PUNTLAND POST.

The post Wafuud heer caalami ah oo soo gaartay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this