Deeq A. Posted June 7, 2022 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Tallaado ah booqday xarunta wasaaradda gaashaandhigga. Booqashada madaxweynaha ee wasaaradda ayaa lagu sheegay u kuurgalida shaqada wasaaradda iyo taliska ciidanka . Madaxweynaha ayaa booqashadiisa kadib wuxuu kullan la qaatay masuuliyiinta wasaaradda, iyo taliska guud ee ciidanka xoogga dalka, isagoo ka xog waraystay howlahooda shaqo. Booqashada madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee wasaaradda gaashaandhigga ayaa kusoo aaday iyadoo 9-ka bishaan la filayo inay Muqdisho ka dhacdo caleemo-saarka Madaxweyne Xasan, sidoo kalena ay maalmahan ciidamada xoogga dalku dhaq dhaqaaqyo ka wadeen qaar kamid gobolada Maamulka Koonfur galbeed oo ay kula dagaalamayeen Al-shabaab. PUNTLAND POST. The post Madaxweyne Xasan oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites