Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo tegay Wasaarada Gaashaandhigga + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, isaga oo kulamo la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ujeedka kormeerka Madaxweynaha ayaa la xiriirtay mid ugu kuur-geliyey hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Madaxweynaha oo salaan ka qaatay ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi ayaa warbixin ka dhageystay wasiirka Gaashaandhigga iyo taliye Odowaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan xerunta Wasaaradda Gaashaandhiga, isaga oo kala hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay bilaaban doonaan howlgallo cusub, wuxuuna faray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, inay u diyaar garoobaan howlgalladaasi.

Dhinaca kale ammaanka xarunta wasaaradda ayaa loo adkeeyey, iyada oo inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho la xiray, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa maalmahan laba jibaaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkii ugu dambeeyey xalay laga sameeyey degmada Wadajir oo lagu soo qabtay burcad dhac geysaneysay.

286542929_1920061778179656_3780604007856 286785984_1920061768179657_2359952536624 FB_IMG_1654592465280.jpg?resize=696%2C46

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo tegay Wasaarada Gaashaandhigga + ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this