Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mida Jeneraalada ugu sarreeya Ciidanka Ruushka ee ka dagaalamaya Bariga Ukraine oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mida Jeneraalada ugu sarreeya Ciidanka Ruushka ee ka dagaalamaya Bariga Ukraine oo la dilay

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow ee joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sida uu sheegay wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ee Rossiya 1, Roman Kutuzov ayaa la dilay isagoo hogaaminaya weerar lagu qaaday deegaan ay degan yihiin ciidamadda Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan weli ka hadlin wararkan.

Militariga Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this