Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergayga Arrimaha Abaaraha iyo Safiirka Shiinaha oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergayga arrimaha Abaaraha iyo Gurmadka u qaabilsan madaxweynha Jamhuuriyadda  federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Ambassador  FEI Shengchao .

Ergayga iyo Safiirka ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda abaaraha ee ka taagan dalka iyo sidii dowladda Shiinaha ay qeyb uga noqon leyd gurmadka loo samaynayo dadka ay saamaysay abaarta baahsan ee ka jirta dalka, taas oo dadka saameysay.

Safiirka dowladda Shiinaha ayaa Ergayga u ballan qaaday in dowladdiisa ay hurmuud ka noqndoonto ayna si buuxda ula shaqeyn doonto sidii loogu gurman lahaa dadka Abaartu ay saamaysay, kuwaas oo nolol kasoo raadiyay magaalooyinka.

Ergayga arrimaha Abaaraha iyo Gurmadka u qaabilsan madaxweynha Jamhuuriyadda  federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wado kulamo kale duwan uu la qaadanyo hey’adaha deeqda bixiya si wax looga qabto abaarta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this