Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada Galmudug oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirrada dowlad goboleedka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa iyadoona ay meel mariyeen sharciyo la hirgeeyay.

Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan, si Baarlamaanka loo horgeeyo oo ay u noqdaan dhaqan gal waxaana ay ahaayeen

1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowladda Galmudug.

2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowladda Galmudug.

Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee hoos ku xusan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug.

Sharciyadaan ayaa si rasmi ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta u gudbin doontaa Golaha Baarlamaanka Galmudug si loo sharciyeeyo kadibna uu u saxiixo madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this