Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kullan la qaatay guddiga doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1654535017756.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo isniina xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland wuxuu kullan kula qaatay guddiga doorashooyinka Puntland (TPEC)

Kullan ayaa daarnaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen guddigu sidii loo dar dargalin lahaa wajiga labaad ee doorashooyinka degmooyinka Puntland oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo sanadkaan 2022 ka.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhagaystay guddiga oo ku saabsanayd halka ay marayaan howlaha doorashooyinka iyo wixii u qabsoomay, waxaana goob joog ka ahaa shirka qaar ka mid wasiiradda Puntland.

Kullanka guddiga iyo madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya xilli aan wali la qaan doorashada maamulka degmada Eyl. Sidoo kale kullan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Dani uu ka yimi Muqdisho, kana mid ahaa musharixiintii u tartamaysay madaxweynaha Soomaaliya.

FB_IMG_1654535012703.jpg?resize=720%2C58 FB_IMG_1654535017756.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535020658.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535044683.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535047603.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535050375.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535056129.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535023645.jpg?resize=720%2C50

PUNTLAND POST.

The post Madaxweyne Deni oo kullan la qaatay guddiga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this