Sign in to follow this  
Deeq A.

Soo Celinta Xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Kan Imaaraadka oo Laga Shiray

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuun Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaawaxaa diiradda lagu saaray soo ceelinta xirirka walaltinimo ee labada dal. Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa xusay dowladdiisa  in ay diyaar u tahay Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  ay kala shaqeyn doonaan tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha golaha.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyey taageerada dowladda Imaaraadka carabta u heeyso shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xoojin doono xirirka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  iyo kan dowladda  Imaaraadka carabta.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this